Sheekada Haboon oo ka bogsootay cudurka Kansarka iyo wixii ay soo martay - BBC News Somali (2024)

Sheekada Haboon oo ka bogsootay cudurka Kansarka iyo wixii ay soo martay - BBC News Somali (1)

Haboon Maxamed Axmed waxa ay sanadkii 2020 bishii September ogaatay in uu ku dhacay kansarka naasaha kaas oo aysan jirin cid qoyskeeda kamid ah oo uu horay ugu dhacay.

Haboon xilliga uu kansarku ku dhacayay waxa ay shan bilood ka hor naas nuujinta ka joojisay gabadheedii ilmaha ugu yareyd.

Waxa ay had iyo jeer ahayd dadka sameeya baaritaannada haddii ay ahaan lahayd booqashada dhakhaatiirta iyo haddii ay ahaan lahayd in iyada qudheedu ay nafteeda si gaar ah ula socoto iyada oo markaa ku nooleyd magaalada London ee UK.

“Markii aan naaska ka jaray gabadheyda yar naaska bidix wuu guray oo caano ma keenin hase yeeshee naaska midig markasta caano ayaa ka iman jiray taas ayaa shaki weyn igu abuurtay aniga oo caanihii ka shakisan ayaan haddana isku arkay kuus ama buro yar” ayey tiri Haboon xilli ay wareysi siisay BBC labo sano ka hor.

Dr Caasha Cumar Kablow oo ah dhakhtarad ku takhasustay cudurrada ku dhaca haweenka kana tirsan isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ayaa sharraxday dadka u nugul kansarka naaska.

“Kasarka naasku waxa uu ku dhacaa haweenka da’doodu weyn tahay, yacni kuwa 50-ka sano ka weyn, kuwa isticmaala dawooyinka hormooniska sida kuwa ilmaha looga hortago, haweenka buur-buuran ee miiskaanka badani saaran yahay iyo dadka uu ugu yimaado dhaxalka ama qoyskooda dad ka mid a uu ku dhacay”.

Haboon markii la baaray ayaa ugu dambeyn la ogaaday in laga helay kansarka naaska heerkiisa labaad waxana ay sheegtay in ay soo wajahday cabsi badan maadaama ay ahayd hooyo ilmo korsaneysa, iyada oo sidoo kale loo sheegay in waqti waliba uu kansarkeedu gaari karo heerka afaraad.

Haboon waxaa loo sheegay in ay qaadaneyso dawada kansarka iyada oo loo sheegay in siddeed jeer ay qaadan doonto daawadan oo saddexdii toddobaadba qofka mar la siiyo maadama ay tahay dawo aad u kulul oo bukaanka ka tan badin karta.

Hase yeeshee markii Haboon ay shar jeer qaadatay dawada ayaa loo sheegay war farxad leh oo ah in gebi ahaanba kansarka laga waayay jirkeeda.

Labo sano kadib waa sidee xaaladda Haboon?

Sheekada Haboon oo ka bogsootay cudurka Kansarka iyo wixii ay soo martay - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Labo sano kadib Haboon ayaa soo booqatay xarunta BBC-da iyada oo aan kala sheekeysannay xaaladdeeda caafimaad iyo halka ay wax u marayaan.

“Farqi weyn ayaa u dhexeeya xaaladdeydi labo sano kahor markii aan BBC-da wareysi siinayay iyo maanta oo labo sano kadib ah, xilligaas weli la dagaallan ayaan ku jiray balse maanta alxamdulillah si rasmi ah ayaan uga bogsaday”, ayey tiri Haboon Maxamed.

Haboon ayaa sheegtay in nolosheedii kansarka kahor iyo hadda oo sidoo kale ay ka bogsatay ay aad u kala duwan tahay oo ay gashay hab nololeed oo gebi ahaanba ka duwan kii hore.

“Kansarka inta uusan igu dhicin ka hor waxan iska ahaa qof caadi ah oo wuxuu doono cuna xilliga uu doonana seexda, waxba jimicsi ahna aan sameyn, balse hadda xilliga cishaha ka dib waan seexdaa, c*ntadeyda waa mid dheelli tiran, sidoo kalana waxa aan ku qasbanahay in aan jimicsi sameeyo mar waliba”, ayey tiri Haboon.

Haboon waxa au sheegtay in ay caqabado kala duwan kala kulanto bulshada marka ay noqoto wacyi gelinta xanuunkan iyo in ay wakhti badan ku bixiso in dumarku ay ka feejignaadaan.

Sheekada Haboon oo ka bogsootay cudurka Kansarka iyo wixii ay soo martay - BBC News Somali (3)

“Nairobi marka aan imid waxa aan sii waday wacyi gelintii xanuunkan aan ka bogsaday, laakiin waxaa jira dad siyaabo qaldan uga fal celiya oo yiraahda haddiiba aad ka bogsatay maad iska aamustid balse waxa aysan ogeyn in ogaansho la’aanta xanuunkan ee xilli hore ay dhibaato badan keeni karto”.

Waxa ay sheegtay in ay xilligii dhakhtarka ay booqaneysay uu dhakhtarku u sheegay in haddii ay bil kaliya soo daahi lahayd uu gaari lahaa heer aan waxba laga qaban karin balse baaritaanka xilliga hore ah iyo xaaladda qofka in uu isla socdo ay ka dhigan tahay kahortagga khatar badan.

Haboon hadda waxa ay sheegtay in xanuunkan uu si rasmi ah jirkeeda uga baxay balse ay weli feejigantahay oo ay iska ilaaliso dhammaan waxyaaba nooca kansarkeedu diiddanaa.

Dr Caasha Cumar Kablow ayaa sheegtay in kansarka oo xilli la hore la ogaado ay horseedi karto in laga bogsado walow dumar badan aysan xaalado jira awgood u saamixin, iyada oo sidoo kale dumarka qaar ay culeys kala kulmi karaan dhakhaatiirta gaarka loo leeyahay.

“Wacyi gelinta marka aan sameyneyno aad ayaan uga xumaanaa, sababtoo ah marka aad dadka dhirri geliso oo aad tiraahdo dhakhtarka la soo xiriir dharkhtarkuna uu yahay mid gaar loo leeyahay xoogaa waxa aan dareennaa xanuun”, ayey tiri Dr Caasha.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxay sheegtay in cudurka kansarka naasaha ee dunida laga helay sannadkii 2022 2.3 malyan oo qof, kuwaas oo 670,000 oo ka mid ah ay u dhinteen. Kansarka naasaha ku dhaca ayaa ah cudur ka jira dal kasta, wuxuuna ku dhacaa dumarka da’ kasta oo ay jiraan wixii ka dambeeya qaangaarnimada. Sidoo kale wuxuu ku dhacaa ragga.

Sheekada Haboon oo ka bogsootay cudurka Kansarka iyo wixii ay soo martay - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Mi Otis Gov
Eddie Scozzare Salary
Academic Calendar Pbsc
Raleigh Craigs List
Jody Plauche Wiki
Watch After Ever Happy 123Movies
Ff14 Kobold Pitman
Equinox 63Rd Street Class Schedule Pdf
Big 12 Officiating Crew Assignments 2022
Cornell University Course Catalog
Kathy Carrack
2 værelses hus i Ejby
Stockton (California) – Travel guide at Wikivoyage
Who is Harriet Hageman, the Trump-backed candidate who beat Liz Cheney?
Maritime News Archives
Rogers Breece Obituaries
Southpaws Grill Menu
2024 Coachella Predictions
Wicked Local Plymouth Police Log 2023
The Perfect Couple Episode 5 Cast & Characters - Eve Hewson, Nicole Kidman & More (Photos)
Papa's Games Unblocked Games
عکس کون زنان ایرانی
Bonduel Amish Auction 2023
Skip The Games Lawton Oklahoma
Aussiebigdaddik
modelo julia - PLAYBOARD
Melanin - Altmeyers Enzyklopädie - Fachbereich Dermatologie
360 Training Food Handlers Final Exam Answers 2022
Bilt Rent Day Challenge June 2023 Answers
Kidcheck Login
Speer Funeral Home Aledo Il Obituaries
Webmail.unt.edu
پنل کاربری سایت همسریابی هلو
Clash of Clans: Best Hero Equipment For The Archer Queen, Ranked
Lufthansa LH456 (DLH456) from Frankfurt to Los Angeles
Meaty Sugar Lump
Keanu Reeves cements his place in action genre with ‘John Wick: Chapter 4’
Classic Buttermilk Pancakes
Jan Markell Net Worth
Speedstepper
Arcadian Crossword Puzzles
Adding Performance to Harley Davidson & Motorcycles is Easy with K&N
Fallen Avatar Mythic Solo
Meat Grinders At Menards
Texas Longhorns Soccer Schedule
John Deere Z355R Parts Diagram
8 Common Things That are 7 Centimeters Long | Measuringly
Waffle House Gift Card Cvs
The Complete Guide to Chicago O'Hare International Airport (ORD)
Culver's Flavor Of The Day Wilson Nc
Bitlife Tyrone's
Mangadex.oeg
Latest Posts
Article information

Author: Tish Haag

Last Updated:

Views: 6715

Rating: 4.7 / 5 (47 voted)

Reviews: 86% of readers found this page helpful

Author information

Name: Tish Haag

Birthday: 1999-11-18

Address: 30256 Tara Expressway, Kutchburgh, VT 92892-0078

Phone: +4215847628708

Job: Internal Consulting Engineer

Hobby: Roller skating, Roller skating, Kayaking, Flying, Graffiti, Ghost hunting, scrapbook

Introduction: My name is Tish Haag, I am a excited, delightful, curious, beautiful, agreeable, enchanting, fancy person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.